Samsung oo Macaamiisheeda ka dalbatay inaynan isticmaalin Galaxy Note 7



Sida ay daabacday BBC qaybteeda Technology-da Shirkadda weyn ee tijnoolajiyada, Samsung, ayaa ku dhiiri gelisay macaamiisheeda iibsaday telefoonka Galaxy Note 7 in ay iska dhigaan, waxaanay shirkadu intaa ku dartay in ay joojinayso iibinta telefoonka noocan ah.
Waxay shirkaddu dib u soo celisay laba iyo bar milyan oo telefoonnada noocan ah bishii Sebtember ka dib markii la sheegay in baytariga telefoonadani kululaanayaan oo dab qabsanayo telefoonka gabigiisaba.
Nin degan gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu ku toosay qolkii uu hurday oo qiiq qabsaday ka dib markii telefoonkiisii Note 7 ahaa oo sariirtiisa dul yaallay gubay gogoshiisii.
Wararka ka imanaya Koonfur Kuuriya oo xarun u ah shirkadda Samsung ayaa sheegaya in shirkadu qorshaynayso inay gabi ahaan ba joojiso soo saarista iyo iibinta telefoonka Note 7.
Hase yeeshee, wasiirka maaliyadda Koonfur Kuuriya ayaa ka digay in xaddiga wax dhoofinta dalku hoos u dhici doono haddii shirkaddani joojiso soo saarista telefoonkan.

Galaxy Note 7 waxaa lagu waday in uu noqdo Samsung telefoonada ay soo saarto ka ugu sarreeya, waxaana la soo bandhigay uun todobaado ka hor inta aanay shirkadda ay tartamaan ee Apple aanay soo saarin iPhone 7. Hase ahaatee arrintan markii ay soo shaac baxday waxa hoos u dhacay saamiyadii shirkadda waxaana suurtowda in ay sumcadda Samsung dhaawacdo.

Post a Comment

0 Comments