Shirkadda Facebook waxay soo bandhigtay adeeg cusub kaas oo si
group ah loogu wada sheekaysan karo ayado video chat la isticmaalayo si ay
ugala tartanto adeegyada Zoom, Skype, iyo kuwa kale kuwaas oo aad loo
isticmaalo maadama ay dadka inta badan joogaan guryaha xaalada Covid 19
darteed.
Adeegaan waxaa isticmaali karo qof kasta oo facebook account
leh wuxuuna suura galinaa in ka badan 50 qof ay si toos ah uwada hadlaan sida
kulamada shirkadaha ganacsiga ardayda jaamacadaha iyo cid kasta oo group video
call samaynaysa.
Si aad u isticmaasho adeegaan waxaa kaliya ubaahantahay
·
Facebook Messenger App
·
Kadib waxaad ku dhufataa People tab oo ku yaal
qaybta hoose messenger ka
·
Waxaad ku dhufataa Active People
·
Dadka active ka ah korkooda waxaa ku qoran Create
Room
·
Markaad ku dhufto waxad samayn kartaa Room kaas oo
cidi aad rabto aad kuso dari karto
0 Comments