Shirkadda caanka ah ee
You-tube oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee suurtogelisa in Internet ka la isku
dhaafsado, laguna wadaago muuqaallada Fiidyowga ah ayaa dhowaan abuurtay adeeg
cusub oo lagu magacaabo You Tube Go, kaas oo suurtogelinaya in fiidyowyada You
Tube ku jira la daawan karo iyada oo aan loo baahan internet.
Adeeggan You Tube Go oo
qayb ka ah barnaamij casriyeyn iyo ballaadhin ah oo ay shirkaddu muddooyinkii u
dambeeyey ku wadday adeegyadeeda wadaagista Fiidyowyada ayaa hadda ku jira
tijaabo ay lagu hubinayo shaqadiisa ka hor intaa aan dhowaan si rasmi ah loo
sii deyn.
Sida ay sheegeen
masuuliyiinta shirkaddu ujeedada ay ka leeyihiin adeegga You Tube Go ayaa ah in
la dardar geliyo awoodda ay dadka deegaannada internet ku daciifka ku yahay u
leeyihiin in ay daawadaan filimada You Tube, iyo in ay u suurtogasho in ay
adeegsadayaasha You Tube ee isla deegaankooda ah la wadaagi karaan fiidyowyada
iyaga oo aan u baahan internet la sheegi karo.
Adeeggan ayaa si
tijaabo ah markii ugu horreysay ay shirkadda You Tube ka hirgelisay dalka
Hindiya horaantii sannadkan, Johanna Wright oo ah ku xigeenka agaasimaha waaxda
wax-soo-saarka ee You Tube ayaa mar ay adeeggan cusub ka hadashay waxa ay
tidhi, “Waxa loogu talogalay in jiilka soo socda ee ah adeegsadayaasha You Tube
laga caawiyo in ay si nafis ah u daawan karaan Fiidyowyada, dadka kalana ula
wadaagi karaan. Waa barnaamij u samaysan in si sahal ah looga isticmaalo
talefanka gacanta iyada oo aan internet ba loo baahan.
Bandhig
tiknoolajiyadeed oo dhowaan ka dhacay dalka Hindiya ayaa ay shirkaddu sidoo
kale ku soo bandhigtay adeegyo kale oo ay dhowaan ku soo kordhin doonto You
Tube, waxa aanay si toos ah dalka Hindiya uga bilowday in qofku You Tube Go
isticmaali karo, laakiin weli shaaca kama ay qaadin goorta ay si rasmi ah barnaamijkan
ugu fasaxayso macaamiisheeda daafaha dunida.
0 Comments