Adeeg cusub oo aad uga maarmayso qaadashada telephone-ka gacanta


Adeega signal waa shay soo shabbaha saacaddaha gacanta lagu xirto adigoo marka uu soo dhaco taabanaaya button yar oo ku dhagan adeegan yar ee saacadda  gacanta lagu xirto shaabaha kadibna fartaada taabsiinaya dhegtaada sidaana uu codkii qofku ugu gudbayo maqalkaaga gacantaadana kaaga dhigi doonta telephone mobile ah,
Technology-dan cusub waxaa hal abuuray shirkada Innomdle Lab oo laga leeyahay wadanka koonfur kuuriya Shirkadan oo ay aas aaseen sanadki 2015 sadax kamid ah dadki horay uga shaqayn jiray shirkada Samsung aya waxay  maamulka shirkadda sheegeen in adeega signal uu mustaqbalka noqon doono mid shacbiyad badan yeesha,
Tijaabooyinka ugu horeeyay ee lagu sameeyay ayaa muujinaayo inay aad ugu bogeen ayagoo si tijaabo ahaan loo geeyay ardayda jaamacadaha iyo meelaha waawayn ee halbowlaha sida goobaha ganacsiga iyo meelo kale oo si tijaabo ah looga isticmaalo,
Adeegaan ayaa waxaa uu si toos ah suuqyada  loogu soo dayn doonaa  bisha February 2017 sida ay sheegtay shirkada Innomdle Lab .
Si aad udaawato muuqaalada tijaabada ah fadlan dhag sii link hoose

Post a Comment

0 Comments