Shirkadda Apple oo nooc cusub iPhone 7 ah soo bandhigeysa


Maanta waxay maalin weyn ay u tahay shirkadda teknolojiyada ee Apple. Shirkadaasi waxay qabaneysaa bandhig sanadeedkeeda oo xittaa la filayo in lagu soo bandhigo iPhone 7 oo ah nooc telefoon oo cusub.
Telefoonkan cusub waxa uu imaanayaa ayadoo shirkadda kale ee loolanka uu kala dhexeeyo ee Samsung ay joojisay soo saaridda nooca cusub ee Note 7, arrimo beteriga la xiriira aawadood.
Dad badan oo arrimahan taxliiliya waxay filayaan in shirkadda Apple ay iPhone 7-ka ka saartay godka codadka laga dhageysto ayna ku reebtay mid keli ah.
Waxaa kaloo la filayaa in la kordhiyo isbedelka kaydka telefoonka iyo tayada codka.
Noocan cusub ee telefoonka waxaa kaloo la sheegayaa in biyo aysan gali karin oo difaac uu leeyahay, biyaha dhexdoodana uu ku jiri karo illaa 30 daqiiqo.
Laakiin qaabkaas waxaa horey u sameeyay shirkadaha kale ee loolanka uu kala dhexeeyo sida Samsung iyo Sony.
Lama filayo in noocan cusub laga bedelo cabirkii noocyadii hore. Shirkadda Apple waxaa loo maleynayaa inay soo saari doonto laba nooc oo kala ah iPhone 7 iyo iPhone 7 Plus.
Noocii hore - iPhone 6S - waxa uu noqday telefoonkii ugu fiicnaa ee sanadkan 2016-ka caalamka laga iibsado, sida baaritaan cusub lagu ogaaday.
Cilmi baarista oo ay soo saartay laanta, Strategy Analytics, waxaa lagu sheegay in 14.2 milyan oo iPhone 6S ah la iibiyay mudadii u dhexeysay April iyo June ee sanadkan, taas oo ka dhigan in 4 boqolkiiba suuqyada ay la wareegtay.
Dhanka Samsung, nooca Galaxy S7, 8.3 milyan oo xabo ayaa caalamka loo iibgeeyay isla xilligaasi oo ah April illaa June.
Laakiin labada noocba ee iPhone 6S iyo Galaxy S7 hoos ayey u dheceen marka loo eego iPhone 6, kaas oo 26.3 milyan oo xabo dunida lagu iibiyay islla xilligaasi ee sanadkii 2015ka.
"Sare u kaca telefoonka caaqilka (Smartphone) ee xilligan oo dhibaato dhaqaale ay ka jirto caalamka, waxaa saameyay sicir barar baahsan uu dalal badan ka taagan yahay, iyo shirkadaha oo aan wax cusub hayn." Ayey tiri, agaasimaha shirkadda cilmi baaridda ku sameyso suuqyada, Linda Sui.

BBC
Halkaan ka daawo Bandhiga iPhone 7



Post a Comment

0 Comments