Google ayaa bilowday
video app, oo la yiraahdo Duo Waxay u dhigantaa app-yada kale ee la iskula
hadlo sida FaceTime ee Apple, Skype ee Microsoft iyo Messenger ee Facebook.
Kama duwana video-yada
kale ee la iskula hadlo, inta aan ka ahayn inay macaamiisha siiso in la is
arko, iyadoo qofka fursad siinaysa inuu ka jawaabo teleefoonka iyo in kale.
Google ayaa sheegtay
inay ugu yeeri doonto “knock, knock”.
App -ka cusub ayaa markii
ugu horaysay lagu dhawaaqay bishii May, waxaana laga heli doonaa si lacag
la’aan ah teleefoonada ku shaqeeya Google Android iyo teleefoonada Apple ee
iPhones.
Sida FaceTime ee ku
shaqeeya iOS, Duo ayaa u baahan oo kaliya qofka numbarka teleefoonkiisa oo
kaliya.
Adeegyo kale oo badan
waxay u baahan yihiin in labada qof ee iswacaya ay u baahan yihiin inay is
diiwaan galiyaan, si ay u isticmaalaan video-ga la isku Waco.
Google ayaa horay u
samaynaysay adeegyada video-ga ee la iskula hadlo ee Google Hangouts tan iyo
2013, laakiin hadda shirkadda Google ayaa adeegaas ay ugu tala gali doontaa
shirkadaha inay u isticmaalaan shirarkooda xafiisyada, sidaas darteed looma
isticmaali doono adeeg lagu sheekaysto.
Duo ayaa loo sameeyay si sahlan, si aad u aragtid saaxiibadaa
iyo reerkaaga adigoo hadlaya.
BBC
0 Comments