Eed hooyo laga galay
waa sheeko uu qoray Allah ha u
naxariistee marxuum abwaan Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye), sannadkii 1979
waxay ka hadlaysaa gabadh yar sabool ah oo ciyaal school ah oo hoyadi berito
noqon lahayd waxay ahayd yididiilada hooyadeeda saboolka ah hooyadeed waxay ku taamaysay iyada ku nasi
doonto marki ay waynaatay gabadhi ayaa waraabayaashi suuqa marayay heleen gabadhu gabar fudud umay dhalan balse kun
haday diiday kow baa heleysee inan ay is tiri malaha kanaa kii calafku kuugu
jiray ah ayay heshay inankii balan qaad been ah uu u sameeyay kadib waxay ku
heshiiyeen inay is guursadaan inanka sheekada guur uma dan lahayne marki ay
gabadhi aamintay oo ay isu dhiibtay oo is kala daadisay ayuu uqariyay kadibna
uur ay yeelatay way utagtay marki uu
arkay ayuu yiri kumaad sheegaysaa guurkii iyo balan qaadki iyo waxay isugu
dhiibtay dhamaanteed wuu ka dhaqaaqay kadib.
Maansadaan ayay gabadhi
ku tiraabaysaa:-
Ubucdayda Wadhaneey
adhaxdayda liicdaay,
arinkayga laalmow,
taladaan ilduufaay.
Axdigaan rumaystiyo
ma arraday jacaylkii?
ma engegay darkiisii?
ma afbeelay xiisii?
ma ajowday laagtii?
ma abaaday geedkaan
ubaxiisa guran laa?
Afar qaadka socodkiyo
ma eersaday wareeggii.
Orgigii la naaxshee
adhi raacdo dhaqatee
ku asqaysay heestee
naxariis u jeedo leh
aaminee run moodee
dharaartii la gawracay
is ogaaday baan ahay.
Umal yuururaan ahay.
Cudur igu unkamay baa
iniintiisii biqishoo,
ayax berri i soo maray
eel uu ka tegay baa
uurkayga jiifoo,
aramaa i hurudoo,
anigoo arkayaan
arxankayga daaqoo,
macaan jeceshii oon sun
ah
loo ursiiyey malabkee
ku idlaatay baan ahay.
Iintii dadkaan ahay.
caku inan rageedow
waxa igadh ka beermaa
aarankiisa weeyee
ooryihiinii kici laa
aarankaad ku dubateen.
Urugadan i haysiyo
agoonkaa sedkii go’ay
aanadiinna weeyoo
uurkaygu waa godob
eed hooyo laga
galay!!!!.
Sheekadii oo sidii u
qasan oo gabadhi maalin kasto ku so lalaabanayso ayaa gabadhii maalin danbe
waxay aragtay gabadh kale oo yar oo sideedi oo kale u siraayo oo sheeko been u
aqrinaayo inanka laftiisii sidii oo kale
doonayo iyadana intuu ka danaysto dabeedna marka uurku u buuxsamo uu ka
dhaqaajiyo, dhibaatadi ay qabtay oo ay ula socotay intay ilowday ayay unaxday
miskiinadan kale oo ay damacday inaywax
usheegto waxay tidhi:
Wayl yahay baxsane
bixisadu wadaa
bi’i waa warlaay
Adoon laacdan baran
oon weli bislaan
ha baraarshishiyin.
Is banbaani oo
ha ku ababin belo.
Laasbiira iyo
biyihii ajo ah
kuma ba’o haraad.
Dawac baadi helay
ma badbaadiyee
balan qaad af ka ah
ha u beer nuglaan.
Bilicdaadan ugub
dhayladaadan bilan
bahal qaba hamuun
ha u soo bandhigin.
Bi’i waa warlaay
maxaa bilis haween
oo baar fidhnayd
been lagu khatalay.
Maxaa bocor ildaran,
maxaa baylah wadhan
haad boobay oo
la bud dhigay hortaa.
Maxaa baydi shilis
burcad iyo labeen
la basaasay ciil.
Maxaa gabadh birlab ah
oo beegsi iyo
baxsan dhali lahayd
baydali makalay.
Bi’i waa warlaay
aniguba basraay
berrigaan
yaraa waan boodi jiray
oon badhi caddaa.
Bartaad taal haddeer
annigaa ku ba’ay.
Baaxaa degiyo
beer laxowsigii
jeer aan ku baxay
waan beraad la’aa.
Ninkan kuu boqrani
waa xila bilaal.
Anigoo bed qaba
waa bukaan i helay.
Dhunkashada bishimihii
i beleeyey buu
adna kugu beweray.
Wuxuu kuu burqaday
beentiyo warkuu
igu badowsan jirey.
Bi’i waa warlaay
boggaan eeday buu
barko kugu yidhaa.
bi’i waa warlaay
baantaydan hoo
waad baahan tahay
bahal looma cuno.
Bur ha daaqin sun ah.
0 Comments