Sharkada
Samsung ayaa sheegtay inay dib ucelinayso telephone-keda caaqilka ah Galaxy
Note 7 oo ah midki u dnabeeyay ee shirkadu soo saarto waxayna sheegtay inay
cilada ka imaanayso dabka ka kacaayo telephone ka uu yahay mid ka imaanayso
bettery-ga .
Go'aankani
wuxuu yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka iyo
Kuuriyada Koonfureed lagu arkay taleefanku in uu "qarxayo" marka la
dabaynaayo.
"Cilad
yar ayaa jirtay markii la samaynayay sidaas daraadeed way adagtahay in la
ogaado" sidaas waxaa saxafiyiinta u sheegay Koh Dong-jin oo ah masuulka
taleefanada u qaabilsan shirkadda Samsung.
"Arrintaas
qiimo wayn ayay noogu kici doontaa wadnahaygana way gilgishay, iyadoo ay taasi
jirtana waxaan go'aankaas u qaadanay in aan wax walbe ka hor marinay badqabka
macaamiisha" ayuu sii raaciyay.
Shirkaddu
waxay sheegtay in ay labo todobaad ku qaadan doonto in ay diyaariso taleefanada
cusub ee ay ku badalayso kuwii hore loo iibsaday.
Sida ay shirkaddu
sheegtay taleefanka iibintiisa waxaa laga bilaabay 10 dal laakiin shirkado kala
duwan ayaa baytariga qaybiyay.
Taleefanadan dib loo
soo celinayo waxay ku soo aadeen todobaad ka hor marka la soo badhigayo
taleefan cusub oo iphone ah kaas oo ay leedahay shirkadda ay sida wayn isku hayaan ee
Apple.
Xigasho:
http://www.bbc.com/news/technology
Sayidcumar100@gmail.com
0 Comments