Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo, kaasoo ay aasaaseen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku midoobay Mowqif waddaninimo iyo Mowqif Soomaalinimo, dhallinyaradaas isuguma soo xirmiin qaab qabiil iyo dano gaar ahaaneed intaba. Waddanka Soomaaliya wuxuu muddo dheer ku jiray Gumeysi kala nooc ahaa, wadamadii markaas Soomaaliya xoogga ku haystay oo gumaysanayey waxaa ka mid ahaa: Ethiopia, Italy, British, France iyo Portugal. Dhulkii Soomaaliyeedna waa kala qaybsadeen oo Gumeyste kasta qayb ayuu xoog ku haystay. Marxaladdaas gumeysi oo adag iyadoo lagu jiro ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo waagaas ka danqaday marxaladdii gumaysiga ayaa waxay isku keeneen fikir ah sida looga bixi karo marxaladda gumaysiga, xornimana looga qaadan karo.
SYL
sidee ku aasaasantay?:-
Horaantii
sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen
C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag
saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, waxay ka
wada hadleen sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.
Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay muddo ka sheekaysanayeen sidii bal
gumeystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo
jeediyay fikir ahaa in la aasaaso xisbi Islaami ah oo dadka mideeya, isla
markaasna ka saara gumeysiga, laakiin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo
jeediyay fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo
dhan matala. Ka dib wahadaladii labada nin ee dhalinyarada ah waxaa ku soo
biiray dhalinyaro kale, waxaana la isku raacay in la dhiso Gole ama naadi
dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku
baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaasi aheyd mid ku
cusbeyd gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Kulankaasi dhalinyaradu waxay
isla garteen in la dhiso Gole dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in
la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed
SYC {Somali Youth Club}, waxaana xilligaasi ay aheyd 15-kii May ee sanadkii
1943-dii, wuxuuna kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha
xisbigaasi ay isku raaceen 3-qodob oo kala ahaa:-
1.In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaan inay
furtaan naadi la yiraahdo SYC {Somali Youth Club} oo ay dhalinyarada ku
kulanto.
2.In
la kireeyo guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah, soona
jiidan kara dhalinyarada.
3.In
la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo
baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Ururka
SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L, kuwaasoo
ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga
oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun,
dhallinyaraddaasi daacada u ah dalkooda iyo dadkooda ba waxay si weyn xil isaga
saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo loo gaarsiin lahaa. ugu
dambeyntiina ilaahayna ku garab galay in ay dalka ka saaraan gumeysiga.
Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil
qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsan qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil
ah ku abuuri jirtay dadweynaha soomaaliyeed waddaniyadda qiimahay ay leedahay
iyo gumeysi naceeb. Dhallinyaradaasi waxay kala yihiin :-
1.
Yaasiin Xaaji Cusmaan
2.
Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3.
Xaaji Maxamed Xuseen
4.
Daahir Xaaji Cusmaan
5.
Maxamed Cali Nuur
6.
Maxamed Cusmaan Baarbe
7.
Khaliif Huudow Macallin
8.
Sayiddiin Xersi Nuur
9.
Cusmaan Geeddi Raage
10.
Dheere Xaaji Dheere
11.
Cali Xasan Maslax
12.
Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13.
Maxamed Faarax Hilowle
Ururka
SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu
kasbado kalsoonidda dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay
dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay
in la helo soomaali weyn oo xor ah . Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka
mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda
ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim
qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga, in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo
dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa
u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil
, sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo
gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka
soomaaliyeed. Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July ee sandkii 1960-kii
markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen ayna dhiseen
Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaase nasiibdaro ah inaan hananweynayn xorriyaddii
iyo dowladnimadii. Dhinaca kale waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haaro iyo
wadno goyn weyn oo xilligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed,
iyadoo ay haatan soo kordhayaan nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo iyo gobolka
kasta uu sheegto dowlad, taasi oo ay u sii dheertahay tobanaan calan iyo
tobanaan Madaxweyne oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dowlad loo
dhanyahay, midnimo iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu
dambeyntii waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u
ahaa xoriyadda ay maanta Ummadda Soomaaliyeed harsaneyso in markii ay ku
fekerayeen inay gumeysiga iska dulqaadaan ay da’doodu ka yareyd 30-sano ayaa
hadda waxaad arkeysaa inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka
waayo aragsan inaysan laheyn heykal iyo himilo qaranimo, ayna dhici karto in
caasimado ajanabi ah in laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan
wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen in loo meeriyo, halka 13-kii dhalinyaro ee
SYL-na ay ay ku fekireen inay dalkooda xornimo buuxda gaarsiiyaan, arrinkaasi
waxaa la dhihi karaa waa kaaf iyo kala dheeri.
Dhamaad.
W/D:Sayidcumar
C/llaahi Cumar
Sayidcumar100@gmail.com
0 Comments