Waxaan soo gudbinayaa oon
jeclahay inaan idinla wadaago qormo kooban oo aan uga hadlaayo faa’iidada
sabarka ama dulqaadka uu leeyahay, Nuxurka
macnaha Sabir ama dulqaadasho waxa loola jeedaa in aan nafteena ka joojino
dhaqanka ah in ay quusato ama murugooto si fool xun oo qaawan, in aan
carabkeena ka joojino cabashada aynu dadka u cabanayno iyo in aynaan jeexjeexin
maryaheena xiliga dhibka ama ay masiibo inaad la kulanto oo nafteena halaagin.
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ
وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)
Kuwa xaqa rumeeyoow
sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka
Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.
Wuxuu kaloo yiri Alle kor
ahaaye:
(إِنَّمَا يُوَفَّى
الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ)
“Sabrayaasha waxaa la
siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.
Nafta qofka bini’aadamka waa mid had iyo jeerba imtixaan ku jirta.
Sida aan dhamaanteenba wada ogsoonnahay imtixaanaadka qofka bini’aadamka uu
maro ayaa waxeey isugu jiraan kuwo kala duwan. Qaar imtixaanadaas kamida ayaa
ah qaar qofka loogu nimceeynayo oo uu waxkastuu qofka qorsheeysto u helayao
siduu urabay amaba si kasii fiican. Lakin imtixaanadaasoo kale markuu qofka
marayo ayaa ficil celinta ka dhalata waxeey noqotaa kuwo kala duwan, qaar ku
shukriso ilaaheey oo garata nimcada uu ilaaheey ugu deeqay iyo qaar aanan garan
ineey nimcadaas tahay deeq uu ilaaheey ugu deeqay. Imtixaanka nuucaan oo kala
ah maaha mid nolosha qofka ciriiri galiya, laakiin waa mid uu qofka caaqilka ah
ku garto deeqsinimada Abuuraha koownka.
Sida ay sheegaan Culimada
Cilmi nafsiga, qof kastaa waxa uu leeyahay laba awoodood oo u shaqeeya naf
ahaantiisa. Midi waa awooda qofka dabada ka riixda taas oo u horseeda samaynta
ficilo, ta kalena waa awooda qofka ka celisa ama ka hor joogsata ficilo kale.
Markaa sabirku si tayo leh, waxa uu isku xidhaa awooda qofka u horseeda
samaynta ficilo keena wanaag iyo awooda qofka ka hor joogsata ama u diida
samaynta ficilo laga yaabo in ay khatar ku yihiin naftiisa iyo nafaha dadyowga
kale. Dadka qaar ayaa leh sabir ama dulqaad adag marka ay qabanayaan wax u
wanaagsan naftooda, laakiin sabir ama dulqaad u lahayn sidii ay uga dheeraan
lahaayeen ficilo khatar ku ah naftooda. Sidaas darteed, waxaa la arkaa qof
sabir ama dulqaad u leh gudashada salaada, soonka iyo xajka balse aan sabir iyo
dulqaad u lahayn inuu naftiisa ka xakameeyo kana joojiyo falalka aan
wanaagsanayn iyo doonista xumaanta ay horseedo hawada naftu, taasina waxa ay ku
ridaa danbiyo iyo wax xaaraan ka ah naftiisa
Maxaa looga Baahan Yahay
Sabirka?
Sabirka waxa looga baahan
yahay qaybaha soo socda ee nolosha;
1. Cibaadada iyo u
hogaansamida amarada ilaahay
2. Ka fogaanta xumaanta
iyo ficilada ku xun ee ka dhanka ah dhaqanka suuban iyo diinta
3. Aqbalaada Xukunada
ilaahay ee kala duwan
Wax ma qaban karo inta
sabirku maqan yahay
Waqti kasta oo la siiyay,
qofku waxa uu ku dhex jiraa xaalad, taas oo looga baahan yahay inuu adeeco
amarada ilaahay, ama ka dheeraado wax kasta oo ilaahay inoo diiday, ama ay
tahay inuu aqbalo xukunka ilaahay , ama ka mahad celiyaa (shukri-naq)
nimcooyinka uu ilaahay ku galadaystay. Dhamaan xaaladahaasi waxa ay u baahan
yihiin Sabir ama dulqaad, sidaas ayaanay isu daba socdaan ilaa maalinta
dhimashada, qofna wax ma qaban karo dulqaad la,aan. Wax kasta oo inagu dhaca
inta aynu noolahay aan jeclaano ama yaynaan jeclaanine dulqaadku waa wax loo
baahan yahay.
Hadii qofku xiiseeyo
caafimaad fiican, nabadgalyo, madaxtinimo, maal iyo helista doonistiisa qofeed
ee quruxda jidh ahaan, yaanu u qaadan in marxaladaasi ladnaantu ay waligeed
jirayso ama sidaas ahaanayso, yaanu nasiibkiisaa fiicani ka dhigin qof kibir
badan oo ka madaxtaaga ama masuuliyaddaro muujiya aanu ilaahay jeclayn. Waa in
aanu u qorshayn waqtigiisa oo dhan inuu ku isticmaalo lacag iyo tamar uu ku
raadiyo raaxo iyo madadaalo. Waayo farxada iyo madadaalada badani waxa ay
keentaa xanuun.
W/D:Sayidcumar C/llaahi
Cumar
Email: Sayidcumar100@gmail.com
0 Comments