Waxaan soo gudbinaya oon
jeclahay inaan qormada kooban uga hadlo muhiimada wax aqriska leeyahay, diinta
islaamka waxay muhiimad wayn siisay wax aqriska Aayadi ugu horaysay ee ilahay
kuso dajiyo Nabigena muxamed(NNKH) waxaa lagu amrayay in uu wax aqriyo
ilaahey subxanu watacaala wuxu leeyahay “Akhri ” adigoo kaashanaya magaca
rabigaa ku abuuray waxaa sidoo kale suurada lagu sheegay mid kamid ah aaladaha
loo adeegsado aqoonta iyo tacliinta kaasoo ah “Qalinka” .
Muhiimada wax aqriska
Aqriska waa cunada,
kobcinta, kor uqaadida, qiimaynta maskaxda sida jirku ugu baahan cunto
iyo cabid ayay maskaxdu ubaahantahay aqris, wax aqrisku waxa uu ku geeyaa dhul
aadan addin ku gaarteen iyo taariikho aadan noolayn waxa uu kuu suura galiya
inaad la kulanto caqliyo aadan marnabo jaanis uhesheen inaad kulantaan kitaab
wanaagsan ee aad aqrisa waxay ka dhigantahay caqliya wanagsan oo si fudud ku
hesha inaad la sheekaysato .
akhrisku waxa uu qofka aadamaha ah siiya isku dheeli tirnaan xaga
aqoonta ah , waxaanu qofka hantisiiyaa garaad iyo garasho badan, oo uu kaga
duwanyahay dadka aan waxba akhriyin .
Akhrisku waxa uu siiya qofka labaatan jirka ah caqliga 40 jirka
sababtuna waxay tahay qofka oo kulansaday aqoon , dhaqan, iyo waayo aragnimo
farabadan isaga oo adeegsanaya akhriska kuttubta kala duwan ee uu laga qoray
dhinacyada kala duwan ee nolosha.
Waxa la waydiiyey Imam bukhari dawada xifdiga wuxuu yidhi : waa
Indhaha oo lagu badiyo akhriska.
Dadka soomaaliyeed sida la sheego waa dad hadal oo akhirska ku
yaryahay waxay ahaayeen dad hadal iyo howraar isugu gudbiyo fariimaha kana
dhigan jiray isgaarsiin waxay ahaayeen dad ka fog aqriska iyo qoraalka taa
badalkeeda wuxuu ilaahey hibo usiiyay hal abuurka sidoo kale waxaa ku yar
wadankeena goobaha wax aqriska waxaa sanad walibo walibo wadankeena la daah
furaa boqolaal goobood oo gancsi halka goobaha wax aqriska ka yihiin zero ama
eber .
Hadabo waxaa muhiim ah in wax la aqriyo si loo hormaro aduunyada
waxa lagu kala hormary aqriska iyo qoraalka sida darteed ayaa waxaa la yiraahda “waxaynu nahay waa waxaynu
aqrinay” lama
dhihin waxaynu nahay waa waxaynu dhagaysanay, waxaa hubaal ah in hadi aan soo
saarno jiilal wax aqriska jecel aynu gacanta ugalinay furaha aqoonta iyo
horumarka taasoo ah waxay dunida isku dhaaftay maanta.
Cilmi baarisyo laga sameeyay dadka ugu caqliga iyo aqoonta badna
dunidan guudkeeda saranahay soo mara ayaa waxaa lagu ogaday in hal shey ka
sinaayeen oo ay ahaayeen dad wax aqriska joogteeya .
W/Q: Sayidcumar C/llahi Cumar
Email: sayidcumar100@gmail.com
0 Comments