Qoraaga reer Brazil “Paulo Coelho” ayaa ka sheekeeyay sheeko ku saabsan aabe iyo wiil yar oo uu dhalay aabaha oo isku dayayay inuu aqristo joornaal, laakiin wiilkiisa yar ayaa ka qasay joornaalki uu aqrinayay, aabihii ayaa damcay in uu iska mashquliyo wiilka yar si uu usii wato aqrinta joornaalka wiilkii ayuu udhiibay warqad uu jarjaray oo ay ku sawirantahay Map ka aduunka ama qariirada aduunka wiilki yaraa ayuu ku yiri warqadaan qaado dib usoo ururi oo soo dhis qariiradi aduunka ka dibna soo noqo odaygi wuxuu sii watay aqrinta joornaalki Wuxuu u maleynayay in wiilkiisu ku sii mashquuli doono dib u habeynta khariida inta ka hartay maalintiisii, laakiin shan iyo toban daqiiqo oo keliya ayaa ka soo wareegtay illaa wiilkii uu ku soo noqday, oo uu dib u habeeyay khariidadda! Marki uu ukeenay ayuu Aabihii oo yaaban weydiiyay “Hooyadaa miyaa ku bartay juqraafi?”. Wiilkii ayaa ku jawaabay, "Maya, laakiin waxaa jira sawir qof bini-aadam ah oo ku yaalay dhinaca kale ee warqadda, markaan qofka dib u dhisay, ayaa waxaa dib u dhismay adduunki." Sheekadan gaaban waa mid micna wayn leh, maxaa yeelay dhismaha qofka ayuu ka yimaadaa dhismaha aduunka.
” عندما اعدت بناء الانسان اعدت بناء العال”
0 Comments