Curyaanimo ta ugu weyni waa cabsida waxaanay kuu qalalin doontaa si kadaran kursiga curyaanka.

Nick Vujicic waxa uu 1982 ku dhashay melbourne oo tirsan dalka australia,waxaanu dhashay xanuun bini'aadanka mar mar iyo dhif lagu arko, kaasi oo ah inuu dhashay isagooy ka maqan yihiin afartiisii adin( labadii lugood iyo labadii gacmoodba).
Markii ugu horeysay ee uu dhashay hooyadii waxay diiday inay
aragto amase ay qabato iyadoo kalkaalisadii ay u haysay mudo, markii dambe waxay ku qanceen Markii uu yaraa curyaanimada Vujicic waxay ku sababtay inuu waajaho halgan muuqaaleed iyo mid dareen ahba.
Sharciyada dalkiisa u yaala umay suurtogalin inuu ku biiro iskuul fiican, waxyar kadib markii loo ogolaaday inuu ku biiro iskuulkiina wuxuu cadaadis iyo xoog sheegasho kala kulmay ardaydii ay dugsiga wada baranayeen taasi oo ku sababtay inay murugo aad ubadani haleesho markii uu 8 jir ahaa. Markii uu 10 jir noqday wuxuu iskudayay inuu isdilo markii uu u adkaysan waayay noloshuu ku sugan yahay.
Vujicic hamigiisu wuxuu ahaa inuu ku noolaado nolol guul leh, islamarkaana uu yeesho awood uu kaga gudbo dhamaan ayaandarooyinkan haleelay si uu guul u gaadho.
Inkastoo aanu lahayn wax adimo ah, hadana kamuu fikiri jirin waxaanu haysan, balse si sidaa kasoo horjeeda mid kamid cagihiisa aad ka u dhumucda yar oo lahayd laba farood ayaa ku hogaamisay nolol barwaaqo ah. Wuxuu bartay sida loo isticmaalo computer-ka waxaanu halkii minute ba qori karaa 40 xaraf.
Sidoo kale wuxuu awood u yeeshay inuu tuuro kubada tenniska, inuu qabsado galaas biyo ah,inuu shanleeyo timihiisa,inuu cadayo ilkihiisa, inuu taleefanka ujawaabo, islamarkaana uu gadhka xiirto. Wuxuu ciyaari kartaa noocyo badan oo kamid ah sportiga sida golf-ta, dabaasha,iyo waxa loo yaqaano skydiving.
Waxa uu laba bachelor degree ah ka diyaariyay xisaabaadka iyo dhaqaalaha Vujicic wuxuu ku guulaystay inuu noqdo qof dadka dhiirigaliya, waxaanu u socdaalay dhamaan aduunkoo dhan, isagoo lahadlay 3 milyan oo qof oo ku kala nool in kabadan 44 wadan. Isagoo barayay dadka sida loo rumeeyo riyooyinkooga. Waxaana ka mid ah hadaladiisa ugu caansan markuu dadka dhiirigalinayo
“Dream big my friend and never give up. We all make mistakes but none of us are mistakes.”
Markii dambe wuxuu aasaasay urur loo yidhaa " life without limbs" iyo shirkad la yidhaa " attitude is altitude".
sanadkii 2005 waxaa loo magacaabay abaalmarintii sanadka ee dhalinta australia. 2002 wuxuu guursaday Kanae Miyahara waxaanu dhalay laba caruur ah.
Sheekadan Nic Vidicic waxay indhaheena u furaysaa xaqiiqda ah in
daciifnimadu ay ku dhacdo qalbiga balse aanay ahayn jidhkaagoo si fiican u shaqayn waaya. Dhiirigalin la'aantuna tahay xanuun ku dhaca maskaxda balse aanay ahayn jidhka.
Isagoo arintan ka hadlayana wuxuu yidhi " curyaanimo ta ugu weyni waa cabsida waxaanay kuu qalalin doontaa si kadaran kursiga curyaanka.

 Xigasho: Buuga Sheekooyinka Dhiiri galinta leh ee dadkii guulaha gaaray

Post a Comment

0 Comments