Sh Axmed Yaasiin Ilaahay ha u
naxariistee wuxuu ku dhashay tuulo yar oo caan ah oo la yidhaahdo Jawratu
Casqalaan bishii Juun sanadkii 1936, sanadkaas oo ahaa sanadkii ay qaraxday
kacdoonadii lagaga soo horjeeday saamayntii ay Yuhuuddu ku soo yeelanaysay dhulka
Falastiiniyiinta. Aabihii wuxuu dhintay isagoo shan sano jiray.
Sh. Axmed Yaasiin wuxuu u soo
joogay jabkii waynaa ee ku dhacay Carab sanadkii 1948kii isagoo waqtigaasi
jirey 12 sano,dhacdadaas oo uu ka qaatay darsi saamayn wayn ku yeeshay
noloshiisa siyaasadeed iyo fikirba,kana bartay in ay markasta Falastiiniyiintu
muruqooda ku tashadaan.Isagoo dhacdadaas ka waramaya ayaa wuxuu
yidhi:-"Ciidamadii kasocday waddamada Carabta ee ka soo dagaal galay
Falastiin ayaa hubkii aannu haysannay naga qaaday iyagoo ku andcooday inaan la
oggolaan karin in cid kale oo milaterigii Carbeed ahayni aanay haysan karin
hub, markaasaa aayahayagii wuxuu ku xidhmay ciidamadaas, markii ay jabeenna
waannu la jabnay , markaas oo ay qawlasatii Yuhuuddu bilawday inay baabiiyaan oo
ay gumaadaan dadkii dhulka degenaa,haddii aannu haysan lahayn hubkayagiina
maanta taariikhdu waji kaleayay yeelan lahayd".
Magaaladii uu ku dhashay ayuu ka
bilaabay dugsiga ilaa uu ka gaadhayay fasalka shanaad, hase yeeshee markii uu
dhacay jabkii 1948kii ayuu reerkoodii ula qaxay gacanka Qasa.Baahidii waynayd
ee reerkooda saamaysay ayaa ku kalliftay intii u dhaxaysay 1949-1950kii inuu
waxbarashadiisa joojiyo si uu uga qayb qaato quudinta qoyskooda
ballaadhnaa,isagoo ka shaqeeyay maqaaxi laga cuno fuulka, lix iyo toban jir
markii uu gaadhay ayaa waxaa ku dhacay shil culus oo saamayn wayn ku yeeshay
guud ahaan noloshiisa ilaa intii uu ka shahiidayay, kaasoo ahaa isagoo qoorta
ka jabay sanadkii 1952 mar uu la ciyaarayay caruuro la fil ahaa,iyadoo 45 cisho
kaddib markii nuuraddii qoorta lagaga duuduubay laga furay la ogaaday inuu inta
noloshiisa ka hadhsan naafo aan waxba qabsan karin uu ahaan doono in lacaawiyo
mooyaane, isagoo waqtigaas laga bilaabo kursi ku socon jiray. Naafadaas oo
markii dambena ugu biiray xanuuno kale sida isagoo isha midig beelay kaddib
markii ay ciidamada baadhista Yuhuudu jidh dil ku sameeyeen, isla markaana
ishii kale aanu si fiican waxba uga arki kari jirin, sidoo kalena wuxuu qabay
xanuuno dhagaha,sambabada iyo caloosha ah.
Sanadkii 1958kii ayuu dhammaystay
waxbarashadiisii dugsiga sare,isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd,labaatan
jir markii uu gaadhay ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday
duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana
beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamiba
ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay
inay dabagalaan nabadsugiddii Masar oo waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa
,sanadkii 1965kii ayayna xabsiga u taxaabeen iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh
la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,isagoo xabsi keli ah ku jirey muddo
bil ah.
Sanadkii 1967kii markii ay Yuhuuddu
wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasana ku jiro ayuu bilaabay inuu ku
guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday
gumaysiga Yuhuudda ee dhulkoodii boobay,isagoo isla markaana ururin jirey
kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xidhan yahay,wuxuuna
madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa. Dhaqdhaqaaqyadiisaasina waxay
ka cadhaysiiyeen Yuhuudda ,taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982kii la
xidho ,laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985kii ayaa lagu
sii daayay iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray dawladda Israa'iil iyo Jabhadda
Shacbiga Xoraynta Falastiin "Hoggaanka Guud".
Sanadkii 1987kii ayuu Sh. Axmed
Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka
Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama
Yuhuudda, ururkaas oo loo bixiyay "Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga
ah" oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho "Xamaas", waxaanu qayb
laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada
Falastiiniyiinta,kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga
soo bilaaba waqtigaana waxa uu naqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas.
18kii Mey 1989kii ayaa Sh.Axmed
Yaasiin iyo xubno badan oo ka tirsan ururka xamaas xabsiga la dhigay iyadoo
dawladda Israa'iil ku eedaysay inuu isagu ka dambeeyay aasaaska ururka Xamaas
garabyadiisa Ciidan iyo nabadsugidba leh, ururkaas oo ka dambeeyay dilka askar
badan oo Yuhuud ah iyo basaasiin badan oo iyaga u shaqeeyaba. 16kii bishii
Obtoobar sanadkii 1991kii ayay maxkamad milatari ku xukuntay xabsi daayin(madaxaa
ha ku furto) iyo waliba 15 sano oo xadhig dheeraada ah. 13kii bishii Diisambar
1992kii ayay koox naftood-hurayaal Falastiiniyiin ahi afduubeen askari
Israa'iili ah si ay ugu badashaan Sh. Axmed Yaasiin iyo maxaabiis kale oo dad
gaboobay ahaa, hasee yeeshee dawladda Israa'iil way diiday arrintaas iyadoo
isku dayday inay xoog ku soo furato, isku daygaasna waxaa lagu dilay taliyihii
ciidamada Yuhuudda ee isku daygaa samaynayay,askarigii la furanayay iyo
taliyihii naftood-hurayaasha.Hase yeeshee Sh. Axmed Yaasiin waxaa lagu sii
daayay maxaabiis ay iswaydaarsadeen dawladda Boqortooyada Urdun iyo dawladda
Israa'iil, 1dii Oktoobar sanadkii 1997kii, iyadoo ay maxaabiista Yuhuuddu
ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Yuhuudda oo isku dayay inay
ku dilaan madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas ku leeyahay Cammaan
Khaalid Mashcal.
Ka hor dilkan dhacay ee ay Yuhuuddu
ku dishay Ilaahay ha u naxariistee Sh. Axmed Yaasiin waxay 6dii Sebtember
sanadkii 2003dii isku dayday dil ay helikobtarada Yuhuuddu la beegsadeen guri
gacanka Qasa ku yaala oo uu ku jiray, weerarkaasna waxaa garabka midig ka soo
gaadhay dhaawac fudud.Falkan u dambeeyay ee ay Yuhuuddu ku dishay Sh. Axmed
Yaasiin waxaa uu dhacay isagoo ka soo baxay Masaajid ku yaal Qasa oo uu ku soo
tukaday Salaaddii Subax, waxaa kaloo isla weerarkaa ku dhintay laba
kalkaaliyayaashiisa ahaa. Ilaahay Naxariistii Jano ka ha waraabiyo
dhammaantood. Aamiin.
0 Comments